Safaaradda Mareykanka oo ka hadashay aqoonsiga DF siisay Axmed Madoobe

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankii Villa Somalia ku aqoonsatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyo ku dhawaaqidii Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxtooyada Somalia ayaa maanta soo saartay qoraal ay ku sheegtay in iyadoo laga duulayo xaalada dalku marayo ay DF aqoonsi KMG ah oo labo sano ah siisay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee safaarada ayaa lagu sheegay in wadahadal iyo dib u heshiisiin ay muhiim u yihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Hase ahaatee Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay go’aankii Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa Axmed Madoobe loo aqoonsaday Madaxweyne KMG oo muddo 2 sano ah xilka heynaya.

Qoraal  ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in aanay jirin cid go’aan ka gaari karta muddo xileedka iyo doorashooyinka Jubbaland, si aan waafaqsaneyn Dastuurka, isla markaana muddo xileedka hey’adaha loo doortay ay yihiin 4 sano wax ka yarna aanu sharciga qabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -