Sawirro uu baraha bulshada soo dhigay Wasiir Beyle oo dood abuuray (Daawo Sawirada)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa barta uu Facebook ku leeyahay soo dhigay Sawiro laga qaaday isaga oo la taagan dhalinyaro kaluumeesato ah oo madaxa ku sita kaluun ay badda kasoo jalaabteen.

Sawirada uu Facebooka soo dhigay Wasiirka Maaliyadad ayuu soo raaciyay qoraal kooban uu ku muujinayay in kaluunka uu kamid yahay Kheyraadka uu ilaahey ku maneestay umada Soomaaliyeed.

”Sideen u gaajoon karnaa inagoo heysana kheyraadka noocaan oo kale ah? ,Waa in aan ka faa’iideysanaa nimcadaan dhulkeena dhex ceegaagta. kaluumeysigu waa qeyb ka mid ah wax soosaarka ugu muhiimsan dalkeena, una baahan maalgalin iyo horumarin.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Sawirada uu Facebooka soo dhigay Wasiirka ayaa dood badan ka abuuray Facebooka, waxa ayna dadka qaar ku tilmaameen Wasiirka mid aan naxariis laheyn oo u damqan  culeeska Malayga ay madaxa ku sidaan dhalinyrada taa badalkeedana uu sawir kusoo galay .

Dadka qaar ayaa wax caadi ah ku tilmaamay in Wasiirku uu isku sawirro dhalinyaro saacado badan badda gunteeda ku jiray oo hadana madaxa ku wada malay ama kaluun weyn oo culus badan ayna adag tahay in ay daqiiqado la taagnaadaan.

Sawirada uu Wasiirka Maaliyadda soo dhigay Facebooka dadka ka felceliyay waxaa kamid ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golahga Shacabka, waxa uuna Wasiirka ku tilmaamay mid sawirka ka jecel dhibka heesta raga kaluunka sida.

”Culayska uu sido iyo daruufta ka muuqata midna uma jeedo laakiin waxaa uga muhiimsan in uu istaajiyo ee hadana isku sawiro!” Ayuu ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad Qoraal uu Facebook soo dhigay.

Inta badan Madaxda talada dalka xiligan heysa ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwa jecel sawirada loo yaqaan Igu Sawir, waxaana marar badan la arkayay sawiro dad badan niyad jab ku abuuray ee Madaxda qaar inta laga qaado baraha bulshada lasoo dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -