Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka beri dhexmaraya Farmaajo & Muuse Biixi

Madaxtooyada Somalia ayaa caawa war ka soo saartay kulanka la filayo inuu beri magaalada Jabuuti ku dhexmaro madaxda DF iyo kuwa maamulka Somaliland.

Wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa beri ku wajahan dalka Jabuuti halkaasoo ay ku yeelan doonaan shir uu gudoomin doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal uu goor dhow oo caawa ah soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed lagu soo dhoweeyey shirkaas.

“Madaxweyne Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan si joogtaynta walaaltinimada isku haysa dadkeenna” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray agaasimaha.

Wada hadalada ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana la qorsheynayaa inuu xoojin u noqdo Mashruuca uu horboodayo Abiy Ahmed ee ah is dhex galka dalalka Geeska Afrika sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -