Madaxweyne Trump oo taageeray in la mamnuuco hab booliiska dadka ku dhibaateeyaan

Dalka Mareykanka dhawaan waxaa gil gilay dibad baxyo waa weyn oo looga soo horjeeday dil arxan dara ah oo booliiska Mareykanka u geesteen nin madow aan hubeesneyn, dilka ayaana sargaal booliis ah u adeegsaday ceejo.

Gudaha Mareykanka waxaa ka bilowday olole lagu doonayo in la mamnuuco in booliiska dadka ceejiyaan marka ay xirayaan, waxaana olalahan taageeray dad badan oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay in meesha laga saaro gabi ahaanba ficilka ceejida ah ay booliiska u adeegadaan dadka dambiilayaasha ah iyo kuwa laga shakiyo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne trump in ay aad u wanaagsan laheyd in meesha laga saaro lana manuuco ficilka ceejida ah, waxa uuna xusay in mararka qaarna ay laga maarmana noqon karto in booliiska ceeji adeegsadaan.

“Haddii sarkaal boolis ah u xaalad adag la kulmo isagoo qof dambi looga shakiyay gacanta ku haya…waa inaad taxadartaa oo waa suurogal in la adeegsado ceejida markaasi.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa gil gilay dilkii sargaal booliisk ah iyada oo muuqaal laga duubayo u geestay George Floyd, waxa ayna dhacdadaasi keentay in booliiska Mareykanka la kulmaan cambaareyn xoogan waxna ka bedelaan habdhaqankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -