Dagaalo ka dhacay gobolka Sh/hoose iyo faahfaahino ka soo baxaya

Degaanada Aw-dheegle iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa la soo sheegayaa inuu dagaal ku dhexmaray xalay ciidamadda Dowladda iyo degaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weer ku qaadeen  Saldhigyada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Aw-dheegle iyo Bariire oo horey looga qabsday Al-shabaab oo muddo dheer ka talineysay.

Dagaaladan oo socday muddo kooban ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu jiro Khasaare labada dhinac soo gaaray sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen inkastoo tirakoob sax ah aan laga heynin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weeraradaas, waxyeelana u geysteen kooxihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday inkastoo aysan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray

Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in weerarkaas ay Khasaare ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda sida lagu faafiyey baraha internetka ee taageera kooxdaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -