Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga degaanka Soomaalida oo Addis Ababa looga yeeray

Afartan xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itooba ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa.

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii dowlada faderaalka Itoobiya ay la tagtay madaxweynihii hore ee degaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

Ma cadda waxa ka soo bixi doona kulanka ay magaalada Addis ku yeelanayaan Golaha dhexe ee Xisniga Soomaalida Itoobiya iyo dawladda faderaalka, dadka arrimahan ka faaloodase waxay sheegayaan in ay u badan tahay in ismariwaaga lagu soo afjarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -