Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia: Dad badan oo ka bogsaday COVID-19 iyo kiisas cusub oo la diiwaan geliyey

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 26 qof oo cusub,  taasoo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 532.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 61 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 25, Gobolka Benaadir 13, Galmudug 8,Koonfur Galbeed 8, Puntland 5,  iyo Jubbaland 2 qof, taasoo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,513.

Bukaannada cusub 34 ka mid ah waa rag, 27-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa  u geeriyooday COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 85 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo ka hor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo bilaabay dhaqan galinta amar uu dhowaan soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa dalka Masar? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah dowladda Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---