Aqalka sare oo shir deg deg ah iskugu yeeray Madaxda DF & dowlad Goboleedyada (Akhriso)

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho kaasoo hab online ah u qabsoomay.

Kulankan ayaa ahaa kulanka 1aad ee Kalfadhiga 7aad ee Guddiga Joogtada, waxaana kulankan looga wada hadlay Ajendayaasha hoos ku xusan:

  1. Muddeynta Bilaabashada Fadhiyada Golaha.
  2. Diyaarinta Ajendayaasha Golaha Aqalka Sare ee Kalfadhiga 7aad.
  3. Arrimaha doorashada 2020-2021
  4. Saameynta Covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan Dalka, gaar ahaan howlaha Aqalka Sare ee BFS.
  5. Kulamada wada-jirka ah ee labada Aqal.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa kulanka ka dib soo saaray war saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka.

Golaha ayaa sheegay inuu kaalin dastuuri ah u leeyahay isu keenista Madaxda Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedyo, si looga arrinsado loogana heshiiyo hannaan lagu meel marinayo xaalada kala guurka ah sida lagu sheegay War-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa uu Guddiga ayaa sheegay in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June sida ku xusan qoraalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -