Ciidamada Danab oo Gaalkacyo ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa gaarka ah ee PSF-ta Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo maanta ku dilay nin la sheegay inuu ahaa Madaxii Al-shabaab ee Qaraxyada Gobolka Mudug.

Taliska Ciidanka Sirdoonka Puntland (PSF) ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Ciidamada DANAB ay hawlgal qorsheysan ku dileen Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, waxaana lagu eedeyay in ninka la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug.

“Hawlgal qorshaysan oo ay maanta (June 06,2020) si wadajir ah uga fuliyeen maanta magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21st ee magaalada Gaalkacyo oo ka wada shaqaynaya sidii loo sugi lahaa amniga magaalada ayaa waxay ku guulaysteen in ay dilaan madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamadu, kaaasoo ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug,haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka PSF.

Ninkan lagu sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab ayaa iska hor imaad la galay ciidamada, kaasoo lagu dhaawacay, laakiin wuxuu isku dayye inuu baxsado, waxaana toogtay ciidamada oo hore u qaatay meydkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -