Senator Dufle : “Ma saxiixin in todobada kursi ee Gobolka Banaadir lagu qeybsado 4.5”

Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle oo ka tirsan Guddiga Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhowaan soo gebagebeeyey howlihii loo xilsaaray ayaa ka hadlay qodobada ay soo jeediyeen Guddigooda oo uu ku jiray qodob muran dhaliyey oo ku saabsanaa metelaada Aqalka sare ee gobolka Banaadir

Qodobka ay Guddigu soo jeediyeen ayaa ahaa in Aqalka sare oo haatan ka kooban 54 xubnood la kordhiyo, laguna daro todoba xubnood oo metelaya gobolka Banaadir, waxaana ka dib baraha bulshada lagu faafiyey war aan la ogeyn cida laga soo xigtay oo sheegaya in todobada xubnood ee la siiyey gobolka Banaadir lagu qeybinaayo 4.5 taasoo ka careysiisay siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Muqdisho, waxaana dadka arrintaas ka soo horjeestay ka mid ahaa Imaamka beesha Mudulood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle ayaa sheegay in Guddiga uu ka tirsanaa ee Diyaarinta Xeerarka dhameystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka uu soo jeediyey in Aqalka sare lagu kordhiyo oo 7 xubnood oo metelaya Gobolka Banaadir, isagoo meesha ka saaray warar been abuur ah oo laga faafiyey qaabka loo qeybinayo xubnaha cusub.

“Anigoo ka mid ah xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka qodobada aan soo jeedinay waxaa ka mid ahaa in golaha Aqalka sare lagu daro 7 xubnood oo ah metelaada shacabka gobolka Banaadir, laakiin waxaan hoosta ka xariiqayaa ineysan jirin haba yaraatee wax aan isla go’aaminay guddigeena ama aan soo saxiixnay oo la xiriira in 4.5 lagu qeybsado” ayuu yiri Prof. Dufle oo hadalkan ka jeediyey kulan lagu taageerayey go’aankii Ugaas Maxamuud Cali Ugaas uu kaga soo horjeestay in 4.5 lagu qeybiyo xubnaha la soo jeediyey in gobolka Banaadir ay ku metelaan Aqalka sare.

Sidoo kale Senator Dufle ayaa intaas ku daray in todobada xubnood ee guddigu soo jeediyey ay baahan tahay iney ansixiyaan labada gole ee Baarlamanka, lana bedelo qodob ka mid ah dastuurka dalka oo tilmaamaya tirada sharciga ee xubnaha golaha Aqalka sare.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa ahaa xildhibaanka kaliya ee soo jeediyey in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Golaha aqalka sare xiligii uu socday kalfadhigii 6aad ee Baarlamanka, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab ka badan 3 milyan oo ku dhaqan Muqdisho aysan metelaad ku laheyn aqalka sare.

HOOS KA DAAWO HADALKA SENATOR DUFLE OO DHAMMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -