Ciidamo ka gadooday Puntland oo sheegay in ay ku biireen Dowlada Federaalka

Ciidamo katirsanaa maamulka Puntland kuna sugan gobolka maamulkaasi u bixiyeen Gardafuul ayaa shaaciyay in ay ka baxeen maamulka Puntland kuna biireen dowlada federaalka Soomaaliya.

Muuqaal ay iska soo duubeen saraakiisha ciidankan hogaamineysa ayey ku sheegeen in maanta kadib aysan katirsan ciidanka Puntland ayna yihiin ciidan hoostagaya kuwa dowlada federaalka.

Sargaal sheegay in ciidankan taliye u yahay ayaa ku eedeeyay Madaxda maamulka Puntland cadaalad daro iyo in ay faragalin ku hayaan waxgaradka iyo dadka kunool Gardafuul oo horey uga tirsanaa gobolka Bari.

Waxa ay sidoo kale saraakiisha hogaamineysa ciidankan ka digeen in la keeno deegaanadooda ciidamada badda ee sida gaarka ah u tababaran, iyagoona cadeeyay in deegaanadooda aysan joogin kooxahaha argagaxisada ah.

Saraakiisha ciidankan ka go’ay maamulka Puntland ayaa waxa ay ka codsadeen dowlada federaalka Soomaaliya in ay taageerto, waxa ayna balan qaadeen difaaca midnimada Soomaaliya iyo taageerida dowlada federaalka.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin ciidankan ga’dooday ee shaaciyay in ay ku biireen ciidanka dowlada Federaalka , waxaana socda dadaalo la sheegay in Puntland xaalada ku dejineyso kulana hadleyso saraakiisha ciidankaasi iyo waxgaradka deegaanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -