Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaaliya oo laga diiwaan geliyey dad cusub oo laga helay cudurka Coronaviris

Kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa dhaafay 2,000 kadib markii dowladda ay shaaca ka qaaday kiisas hor leh oo la diiwaan-geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 24-kii saac ee tegay dalka laga diiwaan-geliyey 47 kiis oo cusub, taasi oo tirada guud ka dhigtay 2,023 kiis.

Kiisaska cusub ayaa 28 ka mid ah laga xaqiijiyey Somaliland, halka gobolka Banaadir laga weriyey sagaal kiis. Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa midkiiba laga helay shan kiis.

Dowladda ma aysan werin wax dhimasho ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Tirada guud ee dhimashada ayaa weli taagan 79 qof, waxaana cudurka ka bogsoday 361 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Itoobiya oo go’aan ka gaaray Ururka ONLF iyo Ururo kale oo hubeesan

Cabdi Cade

Farmaajo oo Isbitaal ku booqday Caruur Mataano ah oo loo dhalay weriye Al-Shabaab Dileen (Sawirro)

Caydiid Ali

WHO oo digniin ka soo saartay dhibaato cusub oo Gaza ku soo korortay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---