Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan Koonfurta Somalia

Fagaare ku yaallla degaanka Doon Buraale ee duleedka degmada Qoryooleey waxaa gacanta Midig looga jaray nin lagu eedeeyey inuu xatooyo geystay.

Cismaan Manuureey Muxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan degaanka Doon buraale ayaa goob fagaare ah looga gooyay gacanta midig ka dib markii ay sidaas ku xukuntay Maxkamadda Al-shabaab ee Sh/hoose.

Qaadiga maxkamadda ayaa fagaarihii uu xukunku ka dhacayay ka sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan ganacsi uuna ka qaatay lacag ka badan lix malyan oo Shilin Soomaali ah.

Boqolaal dadweyne ah oo ay saareen Al-shabaab ayaa la iskugu keenay goobta fagaaraha ah si ay u daawadaan fulinta xukunkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -