Soomaali ku xanibneyd dalka Ugandha oo maanta dalka lagu soo celiyey (Sawirro)

Waxaa maanta dib looga celiyay magaalada Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda tan iyo markii uu caalamka kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, isla markaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray wadamada caalamka.

Muwaadiniinta oo tiradooda gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha dalkan Uganda, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ay gacan weyn ka geysatay Muwaadiniyiinta in dib loogu celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe kaddib markii ay Safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib looga celiyo, iyadoo safaardda ka jawaabtay codsiga Muwaadiniintaas.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dib ugu guryo noqoshada dalkooda Hooyo, ayna uga mahadcelinayaan Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda kaalinta ay ka qaadatay howshan.

84-ka qof ee maanta dib loogu celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bedqabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona ka hor inta aysan halkan ka safrin.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa sido kale waddo dadaalo dib looga celinayo muwaadaniinta kale oo ku xaniban dalka Uganda.

HALKAN KA DAAWO VIEDO KU SAABSAN DADKA LA SOO CELIYEY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -