Allbanaadir.com
NEWS

Twitterka oo qariyay qoraal uu Madaxweyne Trump soo dhigay oo caro badan abuuri karay

Waxaa sii xoogeesaneysa khilaafka u dhaxeeya Shirkada Twitterka iyo Madaxweynaha  Mareykanka , waxaana talaabadii ugu dambeesay Twitterka qaaday ku qarisay qoraal uu Trump soo dhigay bartaasi uu uga hadlayay rabshadaha ka socda magaalada Minnepolis.

Twitterka ayaa dadka ka qarisay in ay arkaan qoraal uu Madaxweyne Trump uu soo dhigay barta uu leeyahay, waxa ayna shirkada qoraalka Madaxweynaha ku bedeshay digniin ah in aan la aqrin karin.

Shirkadda Twitter ayaa ku eedeeysay madaxweyne Trump inuu horseedayay kicinta rabshado , waxa ayna tilmaantay in qoraalka Trump uu soo dhigay halkaasi ee qariyeen uu jebinayay shuruucdeeda isla markaana ay meesha ka saartay si aanan loo akhrin.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay koox tuugo ah inay dab qabadsiiyeen saldhig boolis oo kuyaala magaalada Minneapolis, waxa uu sidoo kale duqa magaaladaasi ku tilmaamay mid tabar daran oon waxbo qaban karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo ugu baaqay Ahlu Sunna in hubka dhigaan isna dhiibaan

Cabdi Cade

Kenya oo Shaacisay tirada Gaadiidka Gaashaaman ay ka iibsaneyso dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Khilaaf Xoogan oo ka dhax qarxay Hogaanka NISA & shirar qarsoodi ah oo dhax maray …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---