(Sawirro) Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka degmada Diinsoor

Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duleedka degmadaasi.

Weerar qorshaysan oo ciidamada dawlad goboleedka KGS ay ku qaadeen deegaan yar oo lagu magacaabo Gowaawiin, oo hoos yimaada degmada Diinsoor ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Koonfur Galbeed.

Maamulka degmada Diinsoor ayaa sheegay weerarku ahaa mid qorshaysan, isla markaasina ay ku dileen lix ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab, sidoo kale waxay sheegeen in labo ka mid ah xubnihii ay weerarka ku dileen ay degmada Diinsoor ku soo bandhigeen.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka, taliyihii hawlgalka hoggaaminayay oo lagu magacaabo Taliye Macalin Shiine.

Mudooyinkii u dambeeyay ciidamada daraawiishta maamulka KGS ayaa gobolkaasi waxa ay ka wadeen hawlgallo ay sheegeen in ay deegaannada maamulkaasi kaga saari doonaan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -