Mid kamid ah Dowladihii taageerayay Khalifa Haftar oo ku baaqday Wadahadal deg deg ah 

Dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa guulo waa weyn ka gaartay dagaalka ay kula jiraan ciidamada uu Hogaamiyo Janaraal Khalifa Haftar ay taageerayaan dowlado ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Masar.

Ruushka oo lagu tuhmayo in uu taageerayo janaraalka doonaya in uu xoog kula wareego talada dalka Liibiya ee Khalifa Haftar ayaa ku baaqay in xaalada dagaal la qaboojiyo wadahadl deg deg ahna la furo.

Xukuumada Moscow ayaa soo jeedisay hindise xabad joojin deg deg ah iyo wadahadal siyaasadeed oo lagu dhameynayo xiisadda Libya ka taagan gaar ahaan dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Daacada u ah Khalifa Haftar.

Ruushka ayaa taageero ku siinayay dagaalka Janaraal Khalifa Haftar oo hada lagu jabiyay dagaalka Tripoli, waxaana Ruushka si qarsoodi ah Liibiya u geeyay calooshood u shaqeestaaal Ruush ah iyo diyaarado dagaal oo caawinaya xulufata Khalifa Haftar.

Ciidamada dowladda Liibiya oo taageero ka helaya Milatariga Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabsaday goobo muhiim ah oo kuyaala Caasimada oo ay horey u haysteen ciidamada Jeneral Khaliifa Haftar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -