Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari nuuciisu ahaa Kaarib oo ay wateen ciidamo katirsan taraafikada, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka Warshada Xeyle Bariise, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaariga ay wateen ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidamada taraafikada ayaa qaraxa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale oo labo kamid ah yihiin askartii gaariga la socotay.

Qaraxa kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo kuwa Nabad sugida ee ka howlagala degmada Hiliwaa kuwaa oo goobta ka qaaday askariga dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxa.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka, waxaana qaraxyadan inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan masuuliyiinta iyo ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -