Booliska Muqdisho oo caawa dil iyo xarig u geystay askar dhac geysaneysay

Booliska DF ayaa caawa ka fuliyey Magaalada Muqdisho howlgal lagu dilay rag ku lebisan dareyska ciidamada oo dhac geysanayey.

Saraakiisha ciidamada Booliska saldhiga H/wadaag ayaa sheegay iney ku toogasho ku dileen askari hubeysan mid kalena gacanta ku dhigeen xili ay dhac u geysanayeen dad shacab ah oo ku nool xaafado ka tirsan degmadaas.

Labada askari ee burcada noqday ayaa la sheegay iney mobilo iyo waxyaabo kale ka dhacayeen dadweyne ku nool xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, kuwaasoo markii dambe wargeliyey saldhiga Booliska H/wadaag.

Labada askari ee dhaca waday ayaa la sheegay iney dagaalameen markii ciidamada amaanku isku dayeen iney qabtaan taasoo keentay in midkood la dilo, kan kalena gacanta lagu dhigo sida saraakiishu sheegeen, iyadoo sidoo kale ciidamadu qabteeb labo qori oo ay ku hubeysaayeen.

Dhaca ay xiliyada habeenkii geysanayaan ragga ku lebisan dareyska ciidamada dowlada ayaa mudooyinkan ku soo batay magaalada Muqdisho, taasoo keentay in dadku aysan habeenkii mobiladooda u qaadanin meel ka baxsan guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -