Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Xildhibaano ay ku jiraan Fiqi iyo Odawaa (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Galmudug  oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedeen mudooyinkii ugu dambeeyay .

Xildhibaanadan maanta xafiiskiisa ugu tagay Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa horkacayay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo shalay ku dhawaaqay uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa si heer sare ah xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay Xildhibaanada mucaaradka ah ay si weyn uga dhax muuqdeen Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad , Odawaa iyo Xildhibaano kale oo iyana mucaarad ku ah Xukuumada.

Kulan gaar ah uu Ra’isul Wasaare Kheyre Xildhibaanadan la qaatay ayaa looga hadlay arimo xasaasi ah ay kamid yihiin dib u dhiska Galmudug loo dhan yahay iyo sidii Xildhibaanadan xukuumada uga taageeri lahaayeen dib u dhiska Galmudug mideysan.

Xildhibaanadan maanta la kulmay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa katirsan Xisbiga uu Hogaamiyaha u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa sidoo kale Xildhibaanadan u badan yihiin kuwa hal beel kasoo jeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Meydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo saacadaha soo socda Muqdisho la keenayo

Caydiid Ali

Milateriga Somalia oo ka hadlay rasaas laga maqlay xerada Jen. Goordan (Akhriso)

Caydiid Ali

Xil ka qaadis lagu sameeyay Dhame Cabduqaadir Maxamed Abuukar (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---