Allbanaadir.com
NEWS

Shabakad argagaxiso oo ajaaniib ku jiraan oo lagu xir xiray Boosaaso

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso waxa ay ku xir xireen dad u badnaa ajaaniib , kuwaa oo looga shakiyay in ay qeyb ka yihiin falalka amni darro, sidoo kale xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

Howlgalka ay sameeyeen ciidamada amniga Puntland, ayaa la sheegay in dadka lagu qabqabtay ay ku jiraan shabakad argagaxiso oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali, kuwaa oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah Puntland.

Saraakiisha laamaha amniga Puntland , ayaa sheegay in dadka la qab qabtay ay ku jiraan 8 xubnood oo lix kamid ah ajaanib yihiin, kuwaasi oo la shaqeynayay ninkii Yemeniga ahaa ee habeen ka hor lagu toogtay Boosaaso isaga oo qarax ku aasayay wadada weyn gaar ahaanna aagga Al Nakhhil.

Ciidamada amniga ee magaalada Boosaaso, ayaa sidoo kale xir xiray dad gaaraya 100-qof oo u badnaa ajaaniib, kuwaa oo iyana lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxad Daacish, waxa ayna saraakiisha amniga sheegeen in dadkan la xir xiray lagu sameenayo baaritaanno.

Howlgalkan ciidamada amniga Puntland ka wadaan magaalada Boosaaso, ayaa kusoo aadaya xilli habeenno kahor magaalada Boosaaso lagu toogtay nin ajnabi ah oo qarax miino ku aasayay waddo kutaalla magaaladaasi, halka nolosha lagu qabtay nin kale oo isna la socday ninka la toogtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir u dhexeeya Madaxda Shanta dowlad goboleed oo caawa ka furmay Muqdisho

Caydiid Ali

War Murtiyeed Khuuseeya Soomaaliya oo laga soo saaray Shir Madaxeedkii IGAD

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya magaalo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose

Cabdi Cade
Taboola Ads ---