Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal goor dhow ka qarxay Magaalada Gaalkacyo & faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo duhurnimadii ah ka qarxay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo hoos taga maamulka Galmudug.

Dagaalka ayey wararku sheegayaan inuu u dhexeeyo ciidamada Kumandoska Xoogga dalka ee Danab iyo Maleeshiyo qaab qabiil u abaabulan oo weerar ku soo qaadeen Saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidanka Danab.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay maleeshiyada ayaa daba jooga rag ay isku heyb yihiin oo habeeno ka hor ciidamada Danab ay xabsiga dhigeen, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa xaafado ka mid ah koonfurta magaalada Gaalkacyo kuwaasoo qeyb ka ah hubka la isweydaarsanayo, iyadoo cabsi iyo argagax ay soo food saartay shacabka halkaas degan oo qaarkood sheegay iney beerka dhulka ku hayaan.

Waxaa sidoo kale la xiray suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo aysan jirin illaa hadda cid ka hadashay dagaalkan ama ku baxday sidii loo joojin lahaa, khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana jira sida wararku nagu soo gaarayaan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

La soco wixii ka soo kordha INSHA ALAH   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada Tigrey oo soo riday Diyaarad dagaal iyo Duuliyihii waday oo nolosha lagu qabtay

admin

Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan Colaad ka taagan dal Afrika kuyaalla

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay dagaal mar kale dhex-maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya & Doorashada Maraykanka oo …

admin
Taboola Ads ---