Madaxweyne Deni: “Waxaan tuhun ka qabnaa in Al-Shabaab la adeegsado”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Al-shabaab ay adeegsanayaan gacmo kale oo doonaya inay burburiyaan hanaanka dowladnimadda Puntland.

Deni ayaa xusay in saddex Guddoomiye gobol oo kala ahaa Banaadir, Nugaal iyo Mudug la dilay, isagoo xusay inay qabaan tuhuno ku aadan inay jiraan dad adeegsanaya Al-Shabaab inkastoo uusan carabka ku dhufan cida adeegsanaysa.

Warbixino ay horay u qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta caalamka ayuu tusaale u soo qaatay Deni kuwaasoo la xiriiray loolanka dalalka Carabta qaarkood ee Soomaaliya in adeegsiga Al-Shabaab ay qeyb ka noqon karto.

“Waxaan qabnaa tuhun xoogan oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la adeegsado, sida horay Jariiradaha caalamka u sheegeen in Muddo ka yar labo bilood la beegsado labo Gudoomiye gobol oo Puntland ah tuhun badan bey na gelisay baaritaana waa socdaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in dowladda federaalka ay wado qorshe lagu duminayo maamulka Puntland, ayna bilowday inay xiriiro iyo kala qoqob ka dhex bilowdo madaxda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -