Amar dhowaan ka soo baxay Maamulka Puntland oo saaka dhaqan galay

Amar maalmo ka hor ka soo baxay maamulka Puntland oo lagu joojiyay tukashada Jameecada salaadda Ciida ayaa maanta ka dhaqan galay degaannada Puntland, kadib markii xalay guud ahaan Soomaaliya looga dhawaaqay Ciida-fitriga.

Dadweynaha ayaa guryahooda si keli keli ah ugu dukanaya, waxaana sidoo kale aad u xadidan damaashaadka iyo isu soo baxyada shacbiga guud ahaan degaanada maamulka Puntland, iyadoo maamulku uu sheegay in amarkan looga hortagayo faafida cudurka COVID-19.

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa saaka gebi ahaanba maran fagaarayaashii lagu oogi jiray Salaadda Ciida, iyadoo masaajiddana ay ku jiraan dad tiro ahaan kooban.

Ciidan ayaa si weyn uga duwan ciidihii hore guud ahaan caalamka, waxaana intii hore ka yar damaashaadkii ay sameyn jireen shucuubta Muslimiin, iyadoo qof walba uu taxadar ka muujinayo xanuunka sida xowliga ah ku faafaya ee Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -