Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil ka dhacay duleedka Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa ka dhacay degaanka Macaani ee duleedka Magaalada Muqdisho ka dib markii askariga ay weerar ku qaadeen dabley hubeysan oo markii ay dileen baxsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableyda ay horey u sii qaateen qorigii uu watay askariga ka hor inta aysan halkaas ka baxsanin.

Wararka ayaa sheegay in askariga la dilay magaciisa lagu sheegay Wadaad-yare, waxayna dadka degaanka sheegeen in kooxda falka dilka geystay ay ku baxsadeen Mooto bajaaj.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, iyagoo baaritaan ka sameeyay halkaasi, lamana soo sheegin cid loo qabtay dilkan oo la tuhunsan yahay in kooxda Alshabaab ay fulisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Farmaajo diido shirka wadatashiga ?

Cabdi Cade

Madaafiic caawa la isku weydaarsaday degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo weerar culus ku qaaday Villa Somalia soona bandhigay Qorshe ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---