Falastiin oo diiday deeq ka timid Imaaraadka & sabab cajiib ah oo ka dambeysa (Sawirro)

Maamulka Falastiin ayaa diiddey inay la wareegto shixnad gargaar qalab caafimaad ah oo ay Imaaraadku ugu deeqeen si ay ula tacaalaan cudurka COVID-19, taasoo loo soo mariyey Israel.

Talaabadan diidmada ah ayey Falastiiniyiintu u cuskadeen in Imaaraadku ay u mareen waddo khaldan oo ah dhanka Israel, iyadoo Imaaraadka iyo Israel uusan ka dhexeynin xiriir diblomaasi oo rasmi ah.

“Ka hor intii aanay gargaarka soo dirin Imaaraadka lama soo xiriirin Falastiin, Maamulka Falastiina ma ogola in laga dhigto buundo loo maro xiriirka ay Imaaraadku ka doonayaan Israel,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Maamulka Falastiin.

Waxay intaas ku dareen in gargaar kasta oo loo dirayo Falastiin marka koowaad lagala soo xiriiro Maamulka Falastiin, iyagoo sheegay in Imaaraadku uu tillaabadan ku qarinayo ujeeddo kale oo ah inuu caadiyeeyo xiriirka Israel uu la leeyahay.

Imaaraadka Carabta ayaa si cad u shaacisay markii ugu horreysay diyaarad ay leeyihiin ay ka degtay garoonka Tel Aviv, taasoo sidda gargaar caafimaad oo ku socda Falastiin.

Warbaahinta maxalliga ah ee Isra’el ayaa ku warantay in Imaaraadku ay xiriir lasoo sameeyeen Tel Aviv  in Falastiin loo gaarsiiyo deeqdaas, sidaas waxa ay weriyayaashu kasoo xigteen wasiirka arrimaha dibadda.

Dalalka Carabta intooda badan ayaa dafiraa iney xiriir diblomaasi la leeyihiin Israel oo sharci darro ku haysata dhulka reer Falastiin, Marka laga reebo Urdun iyo Masar oo Israel la heshiiyey 1994-kii iyo 1978-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -