Golaha amaanka ee QM oo go’aano ka soo saaray xaalada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay ergayga UNka James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada degaanka Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”.

Maraykanka oo ka mid ah dalalka rigliga ah ee Golaha Amaanka ayaa Madaxwaynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku boorriyey inuu qabto kulan isu keenaya madaxda Maamul-goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -