Maamul goboleed mamnuucay in fagaarayaal lagu tukado Salaada ciida iyo xafladaha …

Maamulka Somaliland ayaa mamnuucay in munaasabada ciidul fidriga fagaarayaal si wadajir ah loogu dukado salaada ciida sidoo kale deegaanada maamulkaasi lagu qabto xaflado loogu dabaal degayo munaasabada ciida.

Guddiga wacyi galinta iyo xakameynta cudurka Carnavirus ee maamulka Somaliland ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in la mamnuuco in fagaarayaal salaada ciida lagu dukado sidoo kale xaflado waa weyn la dhigo.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale joojiyay gaadiidka isku socodka dadka iyo gaadiidka aada gobolada dalka, waxaana sidoo kale maamulka ku amray milkiilayaasha goobaha caruurta ku cayaaraan loona dalxiis tago in aysan furin.

Guddiga wacyi galinta iyo xakameynta cudurka Caronavirus ee maamulka Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ku ku sugnaadaan guryahooda si looga fogaado in uu sii faafo cudurka Caronavirus.

Go’aanadan kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili dhawaan maamulkaasi fasaxay isticmaalka jaadka oo horey loo mamnuucay si uusan usii faafin cudurka Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -