(Sawirro) Oday Bangi dhacay oo lacagtii uu soo qaatay arrin yaab leh ku sameeyey!

Nin da’ ah ayaa dhacay bangi ku yaalla dalka Marayanka labo maalmood ka hor ciida masiixiyiinta ee loo yaqaanno Chrismas-ka, ka dibna wuxuu lacagtii ku firdhiyay hawada isagoo dadweynaha ugu hambalyeynaya eray la mid ah Ciid wanaagsan.

Taliska booliska Colorado Springs ayaa ninka bankiga dhacay magaciisa ku sheegay David Wayne Oliver, oo 65 jir ah.

Sida ay dad goob joogeyaal ah sheegeen lacagtii uu firdhiyay waxaa si deg deg ah u aruuriyay dadkii bankiga agtiisa marayay.

Booliska ayaa sheegay in nin oday ah oo caddaan ah uu dhac u geystay bankiga gobolka Colorado ee waddanka Mareykanka.

Falkan oo dad badan ka yaabiyay ayaa dhacay duhurnimadii maalintii Isniinta ee isbuucan, labo maalmood ka hor xilliga feestada ciidda masiixiyiinta.

“Bankiga ayuu dhacay, wuxuu u soo baxay bannaanka, lacagtii oo dhanna wuxuu ku firdhiyay goobta uu ku sugnaa, isagoo leh ciid wanaagsan “ayuu yiri qof goobjooge ah.

Ninka falka burcadnimada ah sameeyay ayaa la sheegay inuu markaas ka dib hor fariistay makhaayad qaxwada lagu cabo oo halkaas u dhaweyd, isagoo sugayay inay u yimaadaan booliska si la xiro.

Arrinta kale ee la yaabka lahayd waxay noqotay in dadkii waddadaas ku sugnaa xilliga lacagta la firdhinayay ay dhammaantood aruuriyeen isla markiina dib ugu celiyeen gudaha bankiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -