Cudur la garan waayey oo ka dilaacay gobolka Andhra Pradesh (Sawirro)

Koox khubarro caafimaad ah ayaa loo diray koonfurta gobolka Andhra Pradesh ee dalka India kaddib markii cudur aan la aqoon uu halkaas ka dilaacay kaasoo dilay hal qof boqollaal kale oo la ildarana la dhigay Isbitaalada.

Mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee baaritaanka dhiigga ay muujineyso xaddi sare oo maaddooyinka lead iyo nickel ah.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in dadka uu xanuunkani ku dhacay oo ka yimid deegaanka Eluru ee gobolka Andhra Pradesh, lagu arkay astaamo fara badan oo isugu jira lallabbo, suuxdin iyo miyir beel.

Dhawr sariirood oo yaal cusbitalka dowladda ee deegaankaasi ayaa la farujiyay si loo isticmaalo haddii loo baahdo oo la keeno bukaanno intaasi ka badan.

Xanuunkan ayaa imanaya iyadoo dowladda India ay wali la dagaalamayso cudurka saf-marka ahi ee Covid-19 oo dalkaas fara kulul ku haya

Andhra Pradesh ayaa ka mid ah gobollada uu sida xoogan u saameeyay fayraska Karona, iyadoo in ka badan 800,000 oo kiis laga helay waana gobolka saddexaad dalkaas ee laga helay kiisaska ugu badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -