Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo afur u sameeyey Xildhibaanada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xarunta Madaxtooyada Afur sharfeed Ugu sameeyay Xildhibaanada Galmudug.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, wasiirada Galmudug, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada JFS. Waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd mahadcelin iyo xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Barlamaanka.

Madaxweynaha ayaa Gollaha Barlamaaka ugu mahadnaqay gudashada waahibkoodii dastuuriga ahaa ee kalsooni siinta Golaha wasiirada iyo meelmarinta Barnaamijka Xukuumadda cusub.

Madaxweynaha ayaa xusay in goggoshii dib-U-hesiintu wali furantahay isla markaana uu diyaar u yahay qancinta cidkasta oo qabta tabasho macquul ah, waxaana Kulanka oo la isku dhaafsaday tallooyin wax dhisaya ayaa ku soo dhaamaaday guul iyo is fahan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo shaqada u fasaxay labo Wasiir oo horey shaqada looga joojiyay

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo fariin u dirtay Xildhibaanada labada aqal, saacado ka hor doorashada

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumada Kheyre oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---