Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Blinken oo war ka soo saaray Wadahadalka xabad joojinta Gaza ee ka socda Doha

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inay sii yaraanayaan farqiga u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si ay ugu heshiiyaan xabbad joojin ku meel gaar ah si loo sii daayo la haystayaasha, laakiin wuxuu qirtay in weli ay jiraan caqabado dhab ah.

“Waxaan la shaqaynay sidaad ogtihiin Masar, Qatar iyo Israel si aan miiska u saarno hindise adag, Xamaas ayaa taas ka jawaabtay,” Blinken ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qaahira.

Blinken wuxuu sheegay inuu wali aaminsan yahay in heshiisku suurtogal yahay, inkasta oo shaqo adag ay ka horeyso in la gaaro.

“Dhinacyadu waxay ka shaqaynayaan maalin kasta arrintan,” ayuu yiri, “Weli waxaa jira caqabado dhab ah. Waxaan xirnay daldalooladii laakiin weli waxaa jira dulduleelo kale” ayuu intaas ku daray

Iyadoo Israa’iil ay isu diyaarinayso weerar ay ku qaado magaalada koonfureed ee Gaza ee Rafah, Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku uu rumaysan yahay in Xamaas “si wax ku ool ah loola tacaali karo iyada oo aan hawlgal weyn oo dhulka ah laga samayn Rafah.”

Waxa uu sheegay in howlgal dhulka ah uu noqon doono “khalad,” saraakiishuna ay qeexi doonaan qorshayaal kale marka wafdiga Israel ay tagaan Washington, DC, toddobaadka soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa u sheegay suxufiyiinta isaga iyo Blinken ay ku heshiiyeen inay qorsheeyaan “tallaabo dhab ah” oo lagu kordhinayo gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Wasiirku wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Masar ay isku raacsan yihiin “diiditaanka guud ee hawlgallada militari ee Rafah.”

Waxa uu sheegay in Masar ay sameyn doonto wax kasta oo suurtagal ah, wax kasta oo loo baahan yahay si loo fududeeyo joojinta dagaalka iyo soo afjarida dhaq-dhaqaaqa militari.

 

Related posts

Milateriga Somalia oo shaaciyey iney howlgal ku dileen Shabaabkii ugu badnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo ku guuleysatay arrin ay ku fashilmeen dowladihii ka horeeyey

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo shaacisay xiliga la galayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare

Caydiid Ali