Allbanaadir.com
NEWS

Abuu Mansuur oo kulan Xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland

Madaxtooyada magaalada Kismaayo waxaa kulan Xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan dowlada Soomaaliya isku soo dhiibay.

Abuu Mansuur iyo Axmed Madoobe ayaa kulankooda uga wada hadlay arimo badan ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab ay mar kawada tirsanaaeen iyo sida xiligan loo wajihi karo dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Sida aan Wararka ku helnay Abuu Mansuur ayaa uga sheekeeyay Axmed Madoobe marxaladihii kala duwanaa uu soo maray iyo dagaaladii uu la galay kooxda Al Shabaab uu mar kamid aha madaxdooda.

Abuu Mansuur ayaa la filayaa in maalmahan joogo magaalada Kismaayo uuna booqdo xarumo ciidan iyo goobo kale, waxa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo xubno kale oo katirsan maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka Kenya ka socda oo dhameystiran

Caydiid Ali

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Somalia iyo…

Cabdi Cade

Xamse Barre oo Amray in lala xisaabtamo Shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha shaqada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---