Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan booliiska Somalia oo tababar loogu soo xiray Jabuuti (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa tababar mudo sadex bilood ah socday waxaa loogu soo xiray dalka Jabuuti, waxaana munaasabada xiritaanka tababarkan ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka booliiska.

Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xirayay ciidanka booliiska ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti taageerada ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Ciidamadan booliiska Soomaaliya katirsan ee tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay gaardo ka ciyaar , waxaana goobta gaardo ka ciyaarka ciidanka kusoo bandhigayeen ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga taageera dowlada Soomaaliya tababarida ciidanka gaar ahaan booliiska, waxaana horey dalkaasi loogu soo tababaray saraakiil iyo ciidamo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad hubeesan oo lagu qabtay xaafad katirsan magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay Deeq Lacageed oo dhan 50 kun oo Dollar

Cabdi Cade

Madaxweyne Afrikan ah oo Wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha ugu sareeya ciidanka Militaga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---