Allbanaadir.com
NEWS

Qadar Airways oo bixinaysa Boqol Kun oo Tikidh lacag la’aan ah iyo dadka la siinayo oo…

Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways ayaa shaaca ka qaaday in ay bixineyso Boqol kun oo tikidh lacag la’aan ah, tikidhadan ayaana ah duulimaad caalami ah oo lagu tagi karo dhamaan magaalooyinka caalamka.

War kasoo baxay Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airways ayaa lagu sheegay in tikidhadan lacag la’aan ah la siinayo dhaqaatiirta safka hore kaga jirta la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Caronavirus.

Tikidhada lacag la’aanta ah ee bixineyso Qadar Airways ayaa dalbashadeeda waxa ay ku egtahay 18-ka bishan May, waxaa sidoo kale tikidhadan dalban kara kana faa’iideesan kara qoysaska shaqaalaha caafimaadka ee dadaalka ku bixinaya cirib tirka Caronavirus.

Shirkada Qadar Airways ayaa hada duulimaadyo ku tagta ilaa 30-magaalo oo caalamka ah, waxaana la filayaa in dhamaadka bisha soo socota ee June in diyaaradaha shirkadan duulimaadyo ku tagto ilaa 80-magaalo oo caalamka ku kala yaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo deg deg ugu laabtay Belad-Weyn & dibed-baxyo lagala hor yimid

Caydiid Ali

Gabdho Soomaaliyeed oo si arxan daro ah loogu dilay Magaalada Vienna

Cabdi Cade

Xasan Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---