Madaxweyne Waare oo deg deg ugu laabtay Belad-Weyn & dibed-baxyo lagala hor yimid

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugnaa maalmahan dalka Kenya ayaa safar deg deg ah ugu laabtay Magaalada Beled-weyne oo maalmahan ay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo dagaalo.

Waare ayaa waxaa garoonka Dayuuraddaha ee Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Caraale.

Mar uu saxaafada la hadlay ayaa Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in sababta uu ugu laabtay Magaalada ay tahay soo afjarida xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo gaartay heer gacan ka hadal ah oo sababtay inuu ku dhinto taliyihii Booliska gobolka Hiiraan iyo askar kale.

Dhinaca kale, Markii Madaxweyne Waare uu soo gaaray Magaalada ayaa waxaa bilowday Banaanbax xooggan oo isaga looga soo horjeedo, laguna taageerayo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed.

Dadka dibed baxyada dhigayey ayaa meelaha qaar rabshado ka sameynayey, iyagoo gubayey taayero, isla markaana geedo iyo jaqafyo ku jarayey wadooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -