Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Shan askari iyo hubkooda oo dhankooda usoo goostay (Magacyada)

Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay shan askari oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maamulka Jubbaland, waxaana askartan soo goosatay wateen hubkooda oo ahaa qoryaha fudud ee loo yaqaan Ak-47.

Warbaahinta taageerta Al Shabaab ayaa ku warantay in askartan kasoo goosteen xero ciidan oo kutaala deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, waxa ayna isku dhiibay saraakiil katirsan Al Shabaab.

Ciidamadan lasoo bandhigay oo la hadlay Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegay in dhibaato badan kala kulmeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM sidoo kale gacan siiya maamulka Jubbaland.

Al Shabaab ayaana ciidamada dhankooda usoo goostay magacyadooda ku sheegay, 1-Maxamed Cali Bakar 2-Aadan Cismaan Cumar 3-Xuseen Ibraahim Xasan 4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi 5-C/qaadir Cumar.

Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin warkan Al Shabaab baahiyeen, mana ahan markii ugu horeeesay oo Al Shabaab soo bandhigto ciidamo ay sheegeen in ay kasoo goosteen maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kala shaki soo kala dhax galay Musharaxiinta Qaar iyo Xildhibaano diidan lacago Kaash ah !

Cabdi Cade

Banaan bax weyn oo saakay ka socda magaalada Muqdisho iyo madax ka qeyb galeysa

Cabdi Cade

Maxkamada G/Banaadir oo mudeysay dacwada Masuuliyiin musuq loo heysto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---