Kala shaki soo kala dhax galay Musharaxiinta Qaar iyo Xildhibaano diidan lacago Kaash ah !

Waxaa saacado yar ka harsan yihiin qabsoomida doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo loo ballansan yahay in ay dhacdo beri oo axad ah, waxaana doorashada ku kala hari doono midkoodna guusha raaci doontaa 39-musharax oo isdiiwaangeliyay.

Musharaxiinta madaxweynaha qaarkood ayaa wada olole xoogan ay ku kasbanayaan xildhibaanada codkooda lagu kala bixi doono, waxaana xildhibaanada oo koox koox iyo keli keli u socda marba tagayaan hoyga ay degan yihiin musharaxiinta qaar.

Sida aan wararka ku heleyno musharaxiinta ayaa xildhibaanada ku kasbanaya bixinta lacago cadaan ah iyo sidoo kale ballanqaadyo ku aadan hadii ay guuleestaan, waxaana inta badan xildhibaanada dalbanayaan lacago ay codkooda ku bedeshaan.

Musharaxiinta qaar iyo xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa soo kala dhax galay kala shaki salka ku haya lacagaha laaluushka ah, waxaana musharaxiinta badankood doonayaan in lacago kaash ah siiyaan xildhibaanada .

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar badan oo kamid ah diidan yihiin qaadashada lacagaha kaashka ah iyaga oo ka cabsi qaba in loogu dhax qariyo lacago faalso ah maadaama aysan jirin fursado badan oo lacagtaasi lagu ogaan karo.

Musharaxiinta ayaana lacagaha bixiya waqtiga ugu dambeeya ee doorashada billaaban rabto, waxa ayna taasi keeneysaa in xildhibaanada aysan hubin karin lacagaha kaashka ah ee la siinayo in ay sax yihiin iyo in kale.

Xildhibaanada ayaana ka codsaday musharaxiinta in ay lacagta ay ku kasbanayaan ka dhigaan lacago si toos ah loogu wareejinayo akoonkooda bangiga , hasa ahaatee Musharaxiinta oo ka cabsi qaba in dabagal iyo baaris lagu sameeyo ayaa taasi diidan.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono xaalka Xildhibaanada iyo musharaxiinta qaar ee lacagaha ku bixinaya doorashada Madaxweynaha, waxaana saacado yar ka harsan yihiin doorashada Madaxweynaha oo wali adag tahay in lasii ogaado cida ku guuleesan karta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -