Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax weyn oo saakay ka socda magaalada Muqdisho iyo madax ka qeyb galeysa

Waxaa saakay bannaan-bax weyn oo lagu taageerao heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ka socdaa garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisow ee kuyaalla degmada Cabdicasiis.

Bannaan-baxan weyn waxaa ka qeyb galaya dadweyne tiro badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaa oo wata astaanta calanka Soomaaliya iyo kan Turkiga, waxa ay sidoo kale wataan sawirada Xasan Sheekh iyo Erdogan.

Masuuliyiin katirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya bannaan-baxa, kuwaa oo la filayo qaarkood in hadallo lagu soo dhaweenayo laguna taageero heshiiska Turkiga u jeediyaan dadka isku soo baxay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay una taageeray heshiiska dhinaca difaaca ah ee dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga, heshiiskaasi ayaana Soomaaliya wax badan oo ugu horreyso in cadawga la ga difaaco ka faa’iidi doonta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Saciid Deni ku soo arkay wadada xiriira Garoowe & Laascaanood?

Caydiid Ali

Daawo:-Khilaaf xoogan oo ka taagan qaabka loo soo xulayo mudanayaasha Somaliland ku matalaya Baarlamaanka Cusub !!

admin

Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay Guddi heer Wasiir ah iyo waxa ay qabanayaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---