Taliyihii booliiska Galmudug oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu xilka ka qaaday taliyihii ciidanka booliiska Galmudug.

Wareegto uu soo saaray jeneraal Xijaar ayuu xilka uga qaaday gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo xilka taliyaha booliiska Galmudug hayay wax ka yar 3-bilood, waxaana taliyaha cusub ee booliiska Galmudug loo magacaabay Janeraal Bishaar Abshir Geedi .

Taliyaha cusub ee loo magacaabay booliiska Galmudug ayaa kamid ahaa saraakiisha sar sare ee booliiska Soomaaliya, waxa uuna horey usoo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir, Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da.

Xil ka qaadista iyo magacaabista taliyaha booliiska maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu is casilay taliyihii saldhiga booliiska Dhuusomareeb, kaa oo sheegay in saldhiga xoog looga saaray xubno lagu tuhmay in Al Shabaab yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -