Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maamulka Puntland oo ka digay fara gelin ay ku heyso dowladda Somalia (Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa uga digay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen iney faragalin ku heyso nidaamka Waxbarashadda maamulkaasi uu degsaday.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash ayaa shir guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda waxaana looga hadlay amniga, Aragtida Dowladda Puntland ee arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixino kale.

Wasiir dowlaha Madaxtooyadda Puntland oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya inuu waddo dadaallo la iska horkeenayo dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in dastuurka Puntland kan Faderaaka intaba ay qeexayaan in dowlad goboleedyadda ay u madaxbanaan yihiin hanaanka waxbarashadda degaanadooda.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka shirka golaha wasiirada Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

Diyaaradaha Drones-ka Iran ee halka mar la isticmaalo oo Suuq xoog leh yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Wadahadalada Somaliland iyo Colaada Tukaraq

Cabdi Cade

Yaa ku tartamaya Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee maanta Jowhar ka dhaceysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---