Diyaarad laga leeyahay Iran oo lagu eedeeyay in ay bariga Dhaxe ku faafisay Caronavirus

Shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Iran ayaa lagu eedeeyay in ay faafisay cudurka Caronavirus, kadib markii dad badan oo qaba cudurkaasi ay geesay qaar kamid ah Wadamada Carabta.

Shirkada diyaaradaha Mahan Air ee laga leeyahay Iran ayaa lagu eedeeyay in Bariga Dhaxe ku faafisay cudurka Caronavirus, waxaana diyaaradan rakaab qabay cudurkan geesay wadamada Lubnaan iyo Ciraaq.

Kiisaskii ugu horeeyay ee Cudurka caronavirus ee laga helay dalalkaasi ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen rakaab ay dalalkaasi geesay diyaaradaha Mahan Air ee laga leeyahay dalka iran.

Dad ka tirsan Mahan Air waxay BBC u sheegeen in shaqaalihii diyaaradda lagu amray in aysan hadlin markii ay isku deyeen in ay shaaciyaan walaacooda la xiriiray maareynta bukaannada iyo qalab la’aantii haysay.

Diyaaradaha shirkada Mahan ayaa la sheegay in si joogto ah safaro ugu aadeesay dalka Shiinaha iyo dalal kale xili dowlada Iran ay mamnuucday safaradaa dibadda ah, waxaana eedeymaha loo jeediyay shirakan maamulkeeda diideen in ay ka hadlaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -