Kenya oo ka hadashay diyaaradii ku bur burtay Bardaale codsina u dirtay dowlada Somalia

Waxaa shalay degmada Bardaale ee gobolka Baay ku bur burtay diyaarad laga lahaa dalka Kenya balse u kireesneyd shirkada diyaaradaha Afrikan Airweys xili ay diyaaradaasi ka degi rabtay Garoonka Bardaale.

Diyaaradan oo siday shixnad gar gaar caafimaad ayaa loo maleenayaa in lasoo riday , waxaana lagu tuhmayaa in diyaarada soo rideen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha Bardaale.

Dowladda Kenya ayaa ka codsatay dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo sababta diyaarad laga leeyahay dalkeeda loogu soo riday gudaha Soomaaliya.

Diyaaradan ku bur burtay Bardaale shalay galab waxaa ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa oo gaarayay lix ruux oo isugu jiray muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah oo kamid ahaa shaqaalaha diyaarada.

Wasaaradda Gaadiidka xukuumada Soomaaliya oo war saxaafadeed kooban ay soo saartay ku sheegtay in la billaabay baaritaan ku saabsan waxa keenay in ay bur burtay diyaarada gar gaarka u waday Bardaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -