Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya (Sawirro)

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa galabta ku soo dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka lala beegsanayey ayaa loo malaynayaa iney ahaayeen kuwo habow ah

Wararka ayaa sheegaya in degmada Cabdicasiis ay ku dhaceen labo madfac oo mid ka mid ah uu ku dhacay gudaha Garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yariisow.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Madfaca ku dhacay garoonka Eng. Yariisow, mana jirin ciyaaro ka socday garoonka maadaama DF ay joojisay tartamada  isboortiga sababo la xiriira cudurka COVID-19

Dowlada Somalia iyo laamaha amaanka ayaan ka hadlin madaafiicdan noocan ah oo aan looga baran iney ku dhacaan degmada C/casiis iyo nawaaxigeeda.

Al-Shabaab oo la aaminsan yahay iney ka dambeysay madaafiicdan ayaa mudooyinkan xoojisay duqeymaha ay la beegsanayaan xarumaha AMISOM ee ku yaalla magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Xalane oo qiyaastii 5km u jirta degmada C/casiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -