Degmooyin ka tirsan dalka oo la gaarsiiyay qalabka & Sheybaarka COVID-19 (Sawirro)

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 waxay gaarsiisay magaalada Baraawe, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Feyruska Karoona.

Howl-wadeenna ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda caafimaadka oo ay la socdeen dhaqaatiir ayaa maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyay qalabka caafimaad. Howl-wadeenna ayaa sidoo kale kormeeray isbitaalka magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19.

Dhaqaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14 ruux oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababaray dhaqaatiir kale oo COVID-19 ka baari doona dadka ku sugan magaalada, kadibna Sample-ka xaqiijin ugu soo dira Muqdisho.

Maamulka degmada Baraawe ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintan ayaa isla maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubaland si ay awood ugu yeelato la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Wasiirka caafimaadka Jubaland, Mursal Khaliif, oo qalabka caafimaad lagu wareejiyay  ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay taageerada iyo dadaalka ay ku dooneyso inay lagu guuleysto xakameynta cudurkaan halista ah ee COVID-19.

Howl-wadeennada farsamo ee Kismaayo geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda Jubaland ee xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -