Madaxweyne William Ruto oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Uhuru Kenyatta u magacaabay Ergaygiisa Nabadda ee Congo DR iyo Itoobiya.

Ruto ayaa sheegay in Kenyatta uu aqbalay howshaas, uuna ku shaqeyn doono isagoo Kenya metelaya.

Kenneth Ombongi oo ah bare sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in sii wadida Uhuru Kenyatta ee howshan ay muhiim u tahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafka.

“Kenyatta waxa uu la imaan doonaan heer gaar ah oo sii wadista howshan ah, taas oo muhiim u ah wax ka qabashada arrimaha xasaasiga ah ee taabanaya nabadda iyo dib u heshiisiinta, iyo sidoo kale horumarinta colaadaha kadib tanina waa muhiim,” ayuu yiri Ombongi.

Madaxweyne Kenyatta ayaa horay ugu lug lahaa dadaallada nabadeed ee labadan dal, kuwaas oo la tacaalaya jabhaadaha soo cusboonaaday iyo dagaallada socda, iyada oo doorka cusub ee Kenyatta ee ah ergeyga nabadda la soo dhaweyay.

Kenyatta ayaa bilo ka hor martigeliyay madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi iyo qaar ka mid ah kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama bariga dalkaas, kaas oo ahaa wadahadal nabadeed.

Madaxda Bariga Afrika ayaa intaa ka dib isku raacay in ciidamo goboleed la geeyo bariga DRC, si loo soo celiyo jawigii caadiga ahaa ee gobolka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in dhexdhexaadinta DRC iyo Itoobiya aysan noqon doonin caqabad yar.

Bishii Nofembar ee sannadkii hore, Kenyatta ayaa booqday Itoobiya si uu uga shaqeeyo dadaallada nabadda iyo isu keenida dowladda iyo jabhadda TPLF ee waqooyiga dalkaas.

- Advertisement -