Allbanaadir.com
NEWS

Nin Qarax miino ku aasayay xaafad katirsan Muqdisho oo la toogtay

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa xalay toogasho ku dilay nin la sheegay in qarax nuuca miinada dhulka la galiyo  ku aasayay xaafad katirsan degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan oo qarax ku aasayay waaxda horseed ee degmada Warta Nabada la isku dayay in la qabto hasa ahaatee booliiska toogteen ninkan xili uu sii baxsanayay.

Maamulka degmada Warta Nabada ayaa soo dhaweeyay howlgalka ciidamada booliiska ku toogteen ninkan qaraxa miino ku aasayay xaafada katirsan degmadaasi, waxa ayna maamulka sheegeen in wada shaqeynta shacabka iyo booliiska lagu fashiliyay qaraxan.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan soo kordhay, waxaana qaraxyada miino inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan ciidamada iyo masuuliyiinta dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Muslim ah oo Xijaab ay Wadatay Maqas looga jaray iyo R/W Justin oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

admin

Taliye Ciidan oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Luiz da Silva oo maanta bilaabaya xabsi 12 sano ah oo lagu xukumay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---