Allbanaadir.com
NEWS

Shirkado tartan ugu jira in ay soo saaraan baabuur cusub oo xiligan baahi weyn loo qabo !!

Dunida ayaa xiligan la daala dhaceysa dhibaatada ka dhalatay feyruska Carona oo dad badan laayay kuwa kalana la il daran yihiin, waxaana feyruskan sababay in dunida go’doon gasho ayna xayirmaan ganacsiga .

Qaar kamid ah shirkadaha baabuurta sameeya ayaa wada qorshe ay kusoo saarayaan baabuur cusub oon feyruska gudaha u gali karin , halka gaadiidka hada jira feyruska gudaha u gali karo hadii aan laga buufin.

Shirkadaha baabuurta sameeya ee dalka Shiinaha ayaa hada soo saaraya baabuur cusub oo feyruska gudaha u gali karin, waxaana dadka baabuurtaasi wata ka maarmi karaan in afka dabooshaan ama gacmaha wax gashtaan.

Shirkadda Geely ee sameysa baabuurta ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horraysay ee bilowda wax soo saarka baabuurka fayrasku aanu geli karin, waxa ayna shirkadan horey usoo saartay baabuur wax ka tarayay wasakhowga hawada.

Af-hayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay dadka gaadiidka wataa wakhti dheer ay baabuurtooda dhex fadiyaan , waxa uuna xusay in shirkada ka fakereyso sidii dadka ku jira baabuurta u heli lahaayeen nolol wanaagsan iyo badqab .

Shirkado kale oo iyana soo saara baabuurta ayaa wada qorshayaal ay kusoo saarayaan baabuur iska difaaci kara feyruska il maqabata ah sida feyruska hada dunida dhibaatada badan galiyay ee Carona.

Baabuurtan cusub ee lasoo saarayo ayaa ah kuwa xiligan baahi weyn loo qabo maadaama Caalamka dhibaato badan ku hayo Feyruska carona oo malaayiin qof ku dhacay kumanaan dad ahna laayay.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni oo Garowe ku laabtay xili culeysyo badan ay kaga furan yihiin Puntland

Caydiid Ali

Shir ay isugu yimadeen dowlada Somalia & beesha caalamka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Ciise Guutaale oo la wareegay xilkii ay dhowaan u Magacowday DF (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---