Axmed Ciise Guutaale oo la wareegay xilkii ay dhowaan u Magacowday DF (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale iyo Hanti Dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowrka uu laf dhabar u yahay hannaanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuumadda Dan-Qaran gacanta ku hayso.

Mudane Saalax  ayaa uga mahad celiyey Hanti dhowrihii hore sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Hanti-dhowraha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -