(Sawirro) Jilaagii ku caan baxay aflaamta Hindiga ee Rishi Kapoor oo geeriyooday

Jilaagii caanka ahaa ee Bollywood ee Rishi Kapoor ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai oo caasimadda Hindiya isagoo 67-jir ah, kaddib 2 sanadood oo uu la tacaalayey kansarka dhiigga ee leukemia.

Rishi Kapoor ayaa halgan kula jiray xanuunka Kansarka oo asiibay wuxuuna sanadkii hore gaar ahaan bishii September ku soo laabtay gudaha Hindiya asigoo xanuunkii hayay dalka Mareykanka looga soo daaweeyay balse dhawaanahan ayuu ku soo laabtay oo xaalkiisa ma wanaagsaneyn.

Rishi Kapoor ayaa la sheegay in isagoo gurigiisa joogo ay neefta dhibtay iyadoo kadibna isbitaal loola cararay waxayna qoyskiisa haatan xaqiijiyeen inuu u geeriyooday kansarkii dhawaanahan dhibaatada ku hayay ee shaqadiisa u diiday.

Jilaagan waxaa lagu xasuusan doonaa sanadii 1973 inuu kusoo caan baxay filimkii Bobby ee Dimple Kapadia la sameysay kaasoo Blockbuster taariikhi ah noqday inkastoo sanadii 1970 uu sidoo kale kasoo muuqday filimkii Mera Naam Joker ee aabihiis Raj Kapoor hogaamiye ka ahaa.

Sidoo kale waxaa lagu xasuusan doonaa aabihii jaceylka inuu ahaa asigoo sameyn jiray filimada jaceylka arimaha qoyska ka hadlaan 80-maadkii iyo 90-maadkii. Sidoo kale Rishi wuxuu sanadii 1980 guursaday Neetu Singh oo aflaan badan la sameysay wuxuuna haatan ifka kaga tagay wiil iyo gabbar weliba wiilkiisa Ranbir Kapoor waa xidig caan ah oo filimada shirkadda Bolywood looga dambeeyo.

Meydka jilaagii caanka ahaa ee Rishi Kapoor ayaa ugu dambeyn galabta lagu gubay magaalada Mumbai sida caadada u ah dadka Hinduuga ah.

Waa Jilaagii labaad ee 24-saac gudaheed ka geeriyooday shirkada filimada Bollywood, shalay ayeyna aheyd markii jilaagii Irfan Khan uu isna u geeriyooday xanuunka naadir ah oo caloosha kaga dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -